Xuska dadkii ku dhintay Lampedusa

Image caption Boqolaal qof ayaa ku dhinta doonyaha imaanaya Talyaaniga.

Midowga Afrika ayaa maanta u doortay inay noqoto maalin ay qaarada xusto dadkii dhintay markii doonta ay kula gadoontay meel u dhow jasiirada Lampedusa ee Talyaaniga bil ka hor maanta.

In ka badan saddex boqol iyo konton qof oo ka kala yimid Soomaaliya, Eritaria, iyo Suuriya ayaa ku dhintay doon iyagoo isku dayaaya inay yurub yimaadaan.

Midowga Afrika, ayaa ku baaqay in waddamada Afrika ay u duceeyaan dadka ayna hoos u dhigaan calankooda.

Midowga Afrika ayaa sheegay in xuska loo isticmaalo baaq sidii xal loogu heli lahaa dhibaatada qaxootiga