M23 oo doonaysa xabad joojin

Image caption Ciidamada Jamhuuriyada Dimoqraadiga ee Congo ayaa dagaal kula jira mucaaradka M23

Hogaamiyaha mucaaradka M23 ee Jamhuuriyada Dimoqraadiga ee Congo ayaa ku dhawaaqay xabad joojin dagaalka ay kula jiraan dowladda.

Bertrand Bisiwa, ayaa sheegay in dhamaan dagaalyahaniinta ay joojiyaan dagaalka ay kula jiraan ciidamada si wadahadalada nabada loo sii wado.

Ciidamada Congo, oo ay taageerayaan ciidamada nabad ilaalinta ee Qaramada Midoobay, ayaa dhawaan mucaaradka ka bixiyay meelihii ay haysteen waddanka.

Wadahadalada ayaa waxay ka socdaan magaalo madaxda Uganda ee Kampala.