John Kerry oo tagay Masar

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka, John Kerry, ayaa booqasho ku jooga magaalo madaxda Masar ee Qaahira, si uu ugu dhiirigaliyo dowladda milatariga uu taageero ee ku meel gaarka ah inay soo celiso dimoqraadiyada.

Waa wafdigii ugu horeeyey ee madax heer sare ah oo Maraykan ah uu ku tago booqasho Masar, tan iyo intii xukunka laga riday Madaweyne Moxamed Morsi bishii July. Maraykanka ayaa hakiyay boqolaal milyan oo lacag gargaar ah ee uu siiyo milatariga Masar.

Mr Kerry booqashadiisa ayaa timid maalin ka hor intaan maxkamad la horkeenin Mr Morsi, oo lagu eedeynayo inuu guubaabiyay dilka dad ku banaanbaxayay guriga madaxtooyada hortiisa bishii December 2012ka.