Dagaal culus oo ka socda bariga Kongo

Congo
Image caption Ciidammada Qaramada Midoobay ayaa caawinayo kuwa dowladda.

Dagaal culus oo u dhexeeya ciidammada Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Kongo iyo fallaagada M23 ayaa ka socda bariga dalkaas.

Militeriga ayaa u muuqdo inuu doonayo in fallaagada M23 uu ka saaro goobaha ay kaga hareen xadka uu dalkaas la wadaago Ugaandha.

Weriye BBC-da ka tirsan oo ku sugan magaalada xadka ee Bunagana ayaa sheegay in fallaagadu duqeeyeen meel suuq ah oo ku taalla magaaladaas.

Dagalkan ayaa imanayo maalin kaddib markii hoggaamiyaha M23 Bertrand Bisimwa uu ku baaqay xabadjoojin.

Dhowr maalmood ka hor ayay ciidammada Kongo qabsadeen magaalada Bunagana oo horey ay u maammulayeen fallaagada.

Kumanaan kun oo qaxooti ah ayaa u tallaabay xadka Ugaandha iyagoo ka baxsanayo dagaallada halkaas ka socda.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan