John Kerry oo Sacuudiga gaaray

Kerry
Image caption Xoghaya arrimahada dibedda ee Maraykanka ayaa ka degay Sacuudiga

Xoghayaha arrimaha dibedda ee Mareykanka John Kerry ayaa ka degay Sacuudi Carabiya.

Waxaa la filayaa in uu isku dayo in uu wanaajiyo xiriirka labada dal ee uu dhaawaca gaarsiiyay qalalaasaha ka taagan Suuriya.

Sacuudiga ayaa sidoo kale ka xun isu soo dhawaanshaha Iraan iyo Maraykanka tan iyo markii Xasan Ruuxaan loo doortay in uu noqdo madaxweynaha dalka Iraan.

Image caption Sacuudiga ka hor Kerry waxaa uu soo maray dalka Masar

Maalin ka hor ayaa xoghayaha arimaha dibedda ee Mareykanka booqday dalka Masar.

Wuxuuna maamulka ku meel gaarka ah ugu baaqay in la joojiyo rabshadaha.

Kerry ayaa ka codsaday dowladda Masar in ay qaaddo tallaabooyin lagu soo celinayo Dimuquraadiyadda.

Wuxuu sheegay in Mareykanku go'aansaday inuu sii wado wada shaqeynta uu la leeyahay maamulka Masar.

Masar waxay ka mid tahay goobaha ay ka dhasheen khilaafka u dhexeeya Sucuudiga iyo Mareykan-ka bilihii ugu dambeeyay.

Dowladda Maraykanka ayaa jartay qeyb ka mid ah deeqda la siiyo dalka Masar.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan