Jabka fallaagada M23 oo rajo geliyay nabadda Koongo

M23
Image caption Fallaagada M23 ee Koongo ayaa ku dhawaaqay inay hubka dhigayaan

Guuldarrida soo gaartay fallaagada M23, waxay rajo weyn gelisay nabadda Koongo, iyadoo tani ay farriin culus u tahay ururrada kale ee ka dagaallamo dalkaas.

Tani waxay ka dambeysay isbadelo dhanka militeriga iyo siyaasadda taasoo waddada u xaartay nabad laga filan karo inay ka dhalato waddanka ku yaal bartamaha Afrika ee ay deganaansho la’aanta ka jirtay sanado badan.

Fallaagada M23 ee ka dagaallamo bariga dalka ayaa todobaadkii la soo dhaafay waxaa soo gaaray guuldarrooyin dhanka militeriga ah, taasoo qasab ka dhigtay in hoggaamiyaha siyaasadda ee kooxda Betrand Bisimwa uu ku dhawaaqo xabad joojin, weliba uu raadiyo in dib loo furo wadahadaladii nabada ee Uganda.

In laga guulaysto fallaagadana waxay cagajugleyn u tahay dhowr iyo toban kooxood oo fallaago ah oo ka howlgalo deegaankas, taasoo sare u qaadayso in la helo nabadgelyo ka hirgasho waddanka qaniga ku ah macdanta dabiiciga ah.

“M23 ayaa waxa ay aheyd kooxda ugu firfircoon ee bariga ka dagaalanto. In laga adkaadana macnaheeda ma ahan in nabadgalyo degdeg ah la helayo. Waxaa lagu jiraa maalmihii ugu horreeyay,” sidaasi waxaa yiri Stephanie Wolters oo ka tirsan Machad saldhigiisu yahay Koonfur Afrika ee Daraasaadka Ammaanka.

In la fahmo rajada nugul ee laga qabo macquulnimada in lasoo gabagabeeyo colaadda Koongo, waxaa muhiim ah in la eego sida ciidamada Koongo ay uga saareen saldhigayadii ugu waaweynaa ee fallaagada M23, awood guud ahaan lagu yaqaanay akhlaaq xumo, nidaam la’aan iyo musuqmaasuq.

Image caption ci Ciidamada Koongo ee la dagaallamayo fallaagada M23

Markii ay M23 ay gacanta ku dhigeen magaalada Goma – waa magaalada ugu weyn ee bariga ku taalla ee ay ku nool yihiin hal milyan oo ruux– bishii November 2012, arrintaasina waxa ay ceyb usoo jiiday dowladda oo ay bulshada caalamka caddaadis ku saartay in ay tallaabo qaado kaddib markii ay soo shaacd baxday in lagu tuntay xuquuqda aadanaha.

Madaxweyne Joseph Kabila ayaa waxa uu isbadalo ku sameeyay hogaanka militeriga iyo ciidamada ka dagaalamo bariga.

Waa tilmaan macquul ah in isbadelada ay shaqeyeen, ilaa iyo haatan ma jirto xadgudubyo soo shaacbaxay oo lasoo sheegay oo loo geystay xuquuqda aadanaha oo lagu dhaleeceeyay ciidamada Koongo, sidii dhici jirtay howlgalladii hore.

Bishii Maarso ee sanadkan, Qaramada Midoobay waxay meelmarisay howlgal cusub oo ka kooban 3,000 oo ciidamo Afrikaan ah oo oggolaansho u haysto in ay la dagaallamaan fallaagada. Iyagoo garab ka helaya howgalka Qaramada Midoobay ee ku sugan Koongo ee loo yaqaan (Monusco), ciidamada cusub ayaa waxa ay addeegsadeen helikobtaro lagu beegsanayo fallaagada, taasoo u oggolaatay ciidamada in ay horay ugu dhaqaaqaan goobta lais ku hor fadhiyay.

Image caption Koongo waa dalka ugu baaxadda weyn Afrika

Waxaa dhawaan la filayaa in howlgalka Qaramada Midoobay ay heli doonaan diyaaradaha aan duliyaha laheyn ee wax basaaso, waa tallaabo lagu heli karo macluumaad ku saabsan dhaqdhaqaaqa fallaagada iyo saadka military.

Baarayaasha Qaramada Midoobay ayaa waxa ay ku eedeeyeen Rwanda iyo Uganda in ay taageero u fidiyaan fallaagada M23. Labada dhinacba waa ay iska diideen eedahaas.

Ola Bello waa xubin ka tirsan Machadka Koonfur Afrika ee Arrimaha Caalamiga ah ee uu saldhigiisu yahay magaalada Cape Town waxa uu waqti dheer ku celcelinayay, in taageerada militeri ee uu Mareykanka siiyo Rwanda ay colaad ka abuuri karto gobolka.

Mareykanka ayaa markiiba joojiyay taageerada militeri, isagoo ku eedeeyay Kigali in ay taageerayso fallaagada M23, oo la aaminsan yahay in ay caruur askar ka dhigteen.

Sikastaba, waa waqti hore in la yiraahdo si guud ayaa looga guulaystay fallaagada M23.

Hannaan siyaasadeed oo ballaaran oo lagu raadinayo in lagu xaliyo arrimo badan oo ka baxsan kooxaha fallaagada ee hubeysan ayaa laga yaabaa in ay badbaadiso Koongo.

Markii la eego bulshada caalamka, ka qeybqaadashada tooska ah ee ciidamada Qaramada Midoobay ay ka qeyb qaadanayaan dagaalka ayaa laga yaabaa in uu soo bandhigo tusaale dib u habeyn ah oo lagu sameeyo howlgallada nabad ilaalinta si ay si wanaagsan ugu ilaaliyaan dadka rayidka ah ee dhibaatadu ka soo gaartay deganaansho la’aanta iyo in ay si firficoon kaga qeyb qaataan sidii loo soo afjari lahaa dagaalada.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan