Netanyahu oo Falstiiniyiinta eedeeyay

Kerry
Image caption Xoghaya arrimaha dibedda ee Maraykanka ayaa gaaray Isra'iil

Ra'iisalwasaaraha Isra'iil ayaa Falastiiniyiinta ku eedeeyay in aanay diyaar u ahayn heshiis nabadeed oo laga gaaro Bariga Dhexe.

Benjamin Netanyahu waxaa uu la shirayay xoghayaha Arrimaha dibedda ee Mareykanka John Kerry.

Kerry ayaa sidoo kale la shiray hoggaamiyaha maammulka Falastiniyiinta Maxamuud Cabbas.

Kerry ayaa doonayo in dib loo billaabo wadahadallada nabadda ee labada dhinac oo saddexda bilood ka hor furmay.

Wada xaajoodka ayaa la filaayaa in la soo gebagabeeyo bisha April ee sanadka soo socda.

Image caption Kerry ayaa booqasho tan la mid ah ku soo maray dalalka Masar iyo Sacuudiga

Kerry ayaa diiday inuu la yimid wax hindiso ah oo la xiriiro heshiis kumeel gaar ah oo dhexmaro labada dhinac.

Booqashadan waxay daba socotaa socdaal uu kusoo maray dalalka Sacuudiga iyo Masar.

Dadka wax indhaindheeya ayaa sheegay inaan la gaarin wax horumar ah tan iyo intii dib loo furay wadahadalladii muddada dheer hakaday ee u dhexeeyay labada dhinac.

Mas'uuliyiinta reer Falastiin ee ka tirsan wafdiga wadaxaajoodka ayaa ka digay in aysan ka qeyb qaadan doonin wadahadallada.

Isra'iil ayay ku eedeynayaan inay sii waddo siyaasadda ay kordhinayso Yahuudda deggan Daanta Galbeed.

Arrimaha ay labada dhinac isku mari la'yihiin waxaa ka mid ah cidda maammulayso magaalada Qudus, halka xuduud u noqon doonto labada dhinac, arrimaha ammaanka iyo welibo qaxootiga Falastiiniyiinta ee ku nool waddamada deriska ah.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan