Duqa Toronto oo cudur daar bixiyay

  • 6 Nofembar 2013
Tornto
Image caption Cu Culays ayaa saaran duqa Toronto Rob Ford

Duqa magaalada ugu weyn dalka Kanadha ee Toronto ayaa qiray in uu adeegsaday daroogada Kokayn.

Rob Ford ayaa dadka magaalada uga cudur daartay waxa uu ugu yeeray "qaladka uu galay"

Waxaa uu sheegay in qirashada arrintan ay tahay arrinta ugu xanuunka badan ee nooloashiisa soo marto.

Image caption Toronto ayaa ah magaalada ugu weyn Kanadha

Horey ayuu Ford u diiday inuu is cesilo eedeymahan loo soo jeediyay dartood.

Qareenka u doodayo ninkan, Dennis Morris, ayaa sheegay in codbixiyayaasha ay u taallo inay mar kale soo doortaan Ford iyo in kale.

Doorashada duqa magaalada Toronto ayaa la filayaa in la qabto sanadka soo socda ee 2014.

Culays ayaa soo fuulayay Ford tan iyo markii uu soo baxay sawir maqal iyo muqaal leh oo muujinayo Ford oo dhuuqayo daroogada Kokaynta.

Toronto waxay ka mid tahay halka ay Soomalidu sida weyn uga deggan tahay dalka Kanadha.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan