Baaritaan tusayo in Crafaat "sun u dhintay"

Arafat
Image caption Yaasir Carafaat ayaa dhintay sanadkii 2004-ta

Warbixin ay soo saareen baarayaal u dhashay Switzerland, ayaa sheegayso in laga yaabo in hoggaamiyihii hore ee Falastiiniyiinta la sumeeyay.

Waxaa ay sheegeen in baaritaan ay ku sameeyeen lafaha Yasir Carafat, ay ku arkeen heer sare oo ah maaddada sunta ah ee Bolooniyam-ka loo yeqaano.

Image caption Xaaskii Carafaat, Suha, ayaa sheegtay in baaritaanku muujinayo in ninkeeda la khaarijiyay

Xaaskii Carafaat, Suha, ayaa sheegtay in natiijada baaritaanka ay muujinayso in ninkeedii la khaarijiyay.

Afhayeen u hadlay dowladda Isra'iil ayaa beeniyay edeyntaasi.

Falastiiniyiinta ayaa dhowr jeer oo hore ka hadlay suuragalnimada ah in Carafat la dilay.

Yasir Carafaat ayaa geeriyooday sanadkii 2004-ta, iyadoo xilligaas la sheegay in uu u dhintay dhibaato ka dhalatay dhiigga oo fariistay.

Laakin sanad ka hor ayaa la soo faagay maydkiisa, iyadoo xilligaas ay soo baxeen eedeymo muujinayay in laga yaabo in la sumeeyay.

Maaddada Bolooniyam-ka ayaa laga helaa jirka aadanaha, laakin waa dilaa halis ah haddii ay qofku ku badato.