Sirdoonka Britain oo su'aalo la weydiinayo

Snowden
Image caption Edward Snowden ayaa bixiyay sirta sirdoonka Maraykanka

Baarlamaanka dalka Britain ayaa su'aalo weydiin doono madaxda sarsare ee sirdoonka dalkaas.

Madaxda hay'adaha M.I.6, M.I.5 iyo Hay'adda dabagalka ee Britain ayaa su'aalo laga weydiin doonaa howlaha ay qabtaan hay'adooda.

Markii ugu horreysay ayaa TV-yada Britain si toos looga daawan doonaa madaxda sirdoonka uu su'aalo la weydiinayo.

Baaritaannada baarlamaanka Britain ayaa imanayo kaddib warar ah in sirdoonka Britain iyo Maraykanka ay iska kaashadeen dhagaysiga telefoonnada malaayiin ruux oo dunida ku nool.

Wararkan waxaa laga soo xigtay ninka bilahan bixinayay sirta sirdoonka Maraykanka ee Edward Snowden.

Dowladda Britain ayaa ku doodayso in hay'adahan ay howl weyn ka qabanayaan sugidda amniga qaranka.

Kooxaha u ololeeya xuquuqda aadanahana waxay sheegayaan in hay'adahan la siiyay awood aad u ballaaran.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan