Dufaan ku dhufatay bartamaha Filibiin

Philippine
Image caption Kumanaan kun oo ruux ayaa laga daad gureeyay duufaanta Filibiin

Mid ka mid ah Duufaantii ugu xoogga badnayd taariikhda dunida ayaa ku dhufatay dalka Filibiin.

Duufantan oo lagu magacaabo Haiyan ayaa si weyn ugu dhufatay jasiiradaha ku yaalla bartamaha dalkaas.

TV-yada Filibiin ayaa tusay xaafado qaar oo biyuhu ka kor mareen.

Waddooyinka waxaa xiray geedaha dumay, iyadoo guryo badanna ay burbureen.

Dabaylaha aya ku socda xowli dhan 300 oo kilometer saacaddiiba.

Kumanaan kun oo ruux ayaa guryahooda laga daad gureeyay.

Gobollada qaar ee ay ku dhufutay duufantan ayaa ka soo kabanayay dhul gariir bishii hore ka dhacay.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan