Arday si khald ah loogu xiray weerarkii Westgate

Muhsin
Image caption Arday 17 sano jir ah oo maalmo loo haystay weerarkii Westgate

Ali Muhsin Ali, oo ah arday 17 sano jir ah, ayaa la xiray muddo bil ah, iasagoo lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay weerarkii Westgate.

Boliiska Kenya ayaa ugu yimid Iskuulka, waxayna u taxaabeen xabsiga isaga oo ay daawanayaan ardayda kale ee fasalka.

Toban maalmood ayuu xabsiga ku jiray oo uu sheegay in la garaacay, waana la soo daayay isagoo aan la gayn maxkamad.

Warbaahinta ayaa Muxsin ku magacawday nin argegixiso ah.

"Waxaa laigu xiray silsilad ka hor intaan baabuur laigu ridin, waxa ugu hore ee maskaxdayda ku soo dhacay ayaa ah in waxbarashadaydii ay sidaas ku dhamaatay." ayuu yiri Muxsin.

Cali ayaa sheegay in ardayda iskuulka ay deriishadda ka eegayeen marka la gelinayay baabuurka.

Waxaa uu sheegay in la garaacay markii uu gaaray xarunta boliiska.

Waxaa laigu eedeeyay ayuu yiri inay ka dambeeyay weerarkii Westgate ee Nairobi.

"Dhowr maalmood ayay su'aalo I weydiinayeen ciidanka ka hortagga argegixisada," ayuu yiri Muxsin.

Cali ayaa sheegay in boliisku markay xireen ay magaciisa iyo halka uu iskuulka ka dhigto ay u gudbiyeen warbaahinta.

"Laakin markay isoo daayeen, warbaahinta ma u sheegin in arday dambi la'aan ah ay xireen," ayuu yiri.

Image caption Muxsin aabihii Cali Sheekh Kule

Cali aabihii Muxsin Cali Sheekh Kule ayaa sheegay in wiilkiisu lahayn wax astaamo oo muujinayo inuu ku biiray kooxaha argegixisada.

waxaa uu degan yahay xaafad isku raran ah, oo dadku is wada garanayaan, deriskiisa ayaan intooda badan aaminsayn eedeymaha loo soo jeediayay.

Xuseen Kireithi, oo deris la ah Muxsin, ayaa sheegay in sheekada noocan ah ay caadi ka tahay xaafadda Majengo ee Nairobi.

Waxa uu sheegay in booliska ay si joogta ah dadka xaafadda eedeymo noocaas ah ugu soo jeediyaan.