Weerar lagu qaaday xabsiga dhexe ee Boosaaso

Niman hubaysan ayaa xabsiga dhexe ee Boosaaso soo weeraray xalay. Intaysan xabsiga weerarin ayaa waxaa bambaano lagu tuuray dowladda hoose ee Boossaaso.

Weerarka xabsiga lagu qaaday ayaa waxaa ku dhintay laba qof, laba kalena waa ay ku dhaawacmeen.

Wasiir ku xigeenka amniga ee Puntland Cabdicasiis Saciid, ayaa BBC u sheegay in ujeedada weerarka ay ahayd inay xabsiga jabiyaan oo ay maxaabiis kala baxaan xabsiga, laakiin uma suurto galin.

Wasiir ku xigeenka ayaa sheegay in nimanka weerarka soo qaaday ay ku tuhunsan yihiin Alshabaab, ayna u carareen dhinaca buuraha.

Lama oga qasaaraha soo gaaray nimanka weerarka soo qaaday.