Qarax ka dhacay Muqdisho

Image caption Qaraxa ayaa waxaa ku gubtay gaari badan.

Wasiirka arrimaha gudaha Cabdikariim Xuseen Guled, ayaa BBC u sheegay in labaatan iyo shan qof ay dhaawacmeen kadib markii gaari uu ku qarxay Hotelka Maka.

Hotel Makka ayaa ku yaal meelaha ugu ammaanka badan Muqdisho ee jidka Makka Almukaramah ee sida xooga ah loo ilaaliyo.

Weerarka ayaa dhacay xalay siddeedii habeenimo ka hor. Waxaa hotelka imaada masuuliyiinta dowladda.

Dadka ku dhintay waxaa ka mid ahaa Cabdulkadir Aaden Cali (Dhuub), oo ahaa diplomaasi, waxaana uu u xilsaarnaa xiriirinta dowladda Soomaaliya iyo UK.