Dabaylo dilay dad badan Filibiin

Masuuliyiinta Filibiin ayaa sheegay in dad badan ay ku dhinteen dabaylihii ugu xooga badnaa ee dhaca.

Jasiirada Leyte, in ka badan boqol qof ayaa laga baqayaa inay ku dhinteen magaalada Tacloban, iyadoo dabaylaha ay keeneen fatahaado.

dhismayaasha badankood ayaa qasaarooyin soo gaaray, oo uu ku jiro garoonka diyaaradaha.

Garoonka diyaaradaha ayaa xiran waxaana ka duuli kara oo kaliya diyaaradaha milatariga ee gargaarka deg dega ah. Bisha cas ayaa sheegtay inaysan wali la samayn xiriir magaaladii ugu horaysay ee ay dabaysha ka dhacday, ee Guiuan oo ku taal jasiirada Samar.

Isgaarsiinta ayaan shaqaynayn meelo badan bartamaha Filibiin, waxaana laga yaabaa inay qaadato maalmo in la ogaado qasaaraha intuu le'eg yahay.