Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Abwaan Sahal Ciise oo geeriyooday

Allaha u naxariistee waxaa xalay ku dhintay isbitaal ku yaal dalkan Britain abwaan Sahal Macalin Ciise oo caan ku ahaa murtida Lahjadda May May-ga.

Sahal oo muddo ku xanuunsanaa dalkan Britain, waxaa taariikhdiisi aan ka wareysanay abwaano iyo fanaanniin kale oo Soomaaliyeed, waxaana warbixintan nooga diyaariyay Cabdirisaaq Xaaji Catoosh.