Iran oo digtay colaad ku dhisan madhabta

Syria
Image caption Mucaaradka hubaysan ee Suuriya ayaa ka soo horjeeda dowladda madaxweyne Bashar Al Asad.

Wasiirka arrimaha dibedda ee Iraan ayaa ka digay in xiisadda u dhexaysa Muslimiinta Sunniga iyo Shiicada ay halis ku tahay xasilloonida dunida.

Maxamad Jawaad Dariif ayaa BBC-da u sheegay in loo baahan yahay in dhamaan dhinacyada ay iska kaashadaan sidii looga hortagi lahaa dagaal ku salaysan madhabta oo ka dhaco Suuriya.

Mucaaradka hubaysan ee Suuriya ayaa dagaal kula jiro ciidammada daacadda u ah madaxweyne Bashar Al-Asad.

Wasiirka arrimaha dibedda ee Iraan waxaa uu leeyahay dagaalka markiisii hore ma ahayn mid ku dhisan madhabta, "laakin haatan sidaas ayuu isu baddelay," ayuu yiri Dariif.

Waxaa uu ku eedeeyay dowladaha Sunniga qaarkood inay taageerayaan dagaallamayaasha Sunniyiinta ee ka soo horjeeda dowlada Suuriya.

Turkiga iyo Sacuudiga ayaa taageero ballaaran siiyo mucaaradka hubaysan ee Suuriya, iyadoo Iraan ay taageerto dowladda madaxweyene Bashar Al-Asad.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan