"Dabaylo xooggan" oo ku duftay Puntland

Farole
Image caption Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in 100 ay ku dhinteen dabaylo ku dhuftay xeebaha gobolladaas.

Madaxweynaha Puntland ayaa BBC u sheegay in dad gaarayo 100 ruux ay ku dhinten dabaylo ka dhacay xeebaha goboladaas.

Dabaylahan oo si xowli ah ku socday ayaa watay roobab iyo qabaw daran.

Maamulka puntland ayaa guddi gurmad ah oo deg deg ah u saaray dhibaatadan, oo qaban qaabinayo in dadka waxyeeladu gaartay gargaar lala gaaro.

Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Maxamad Faroole ayaa sheegay in wararka masiibadan ka soo baxayo ay xadidan yihiin.

Waxaa uu sheegay in adeegyadii isgaarsiinta ay dabayluhu gooyeen.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan