Adeggii 888 oo dib u howlgalay

Somali police
Image caption Boliiska Soomaaliya ayaa dib u howlgeliayay adeeggii 888 ama (oto oto)

Magaalada Muqdisho waxaa dib uga howlgalay telefoonkii gurmadka deg dega ah ee boliiska ee 888 ama loo yeqaannay (oto oto).

Dadweynaha magaalada Muqdisho ayaa haatan telefoon u diri karo boliiska markay u baahdaan.

Afhayeen u hadlay boliiska Maxamad Yuusuf Madaale ayaa BBC-da u sheegay in ciddii nambara 888 soo wacda oo u baahan gurmad deg deg ah loo diri doono baabuur.

Markii ugu dambeysay ee nambarkan ka howgaleyay Soomaaliya waa sanadki 1991, ka hor inta aanay dhicin dowladdii hogaamiyihii militeri ee Soomaaliya, Maxamad Siyaad Barre.

Tallabadan waxay qeyb ka tahay dadaallada lagu doonayo in dib loogu celiyo adeegyada aasaasiga ah ee Muqdisho.

Adeegayada dadweynaha ayaa dib ugu soo noqonayay Muqdisho tan iyo markii dagaallamayaasha ururka Al Shabaab ay ka baxeen magaalada Muqdisho.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan