Dadka badbaaday oo gargaar dalbanayo

Philippine
Image caption Dadkii ka badbaaday duufaantii ku dhufatay Filibiin ayaa raadinayo waxay cunaan.

Dadkii ka badbaaday duufaantii ku dhufatay bartamaha Filibiin ayaa sheegayo inay weli sugayaan gurmad saddex maalmood kaddib markii ay musiibadaas ku dhacday.

Shaqaalaha gurmadka iyo hay'adaha gargaarka ayaan weli gaarin magaalooyinka qaar ee ay ku dhufatay duufaanta Haiyan.

Qaramada Midoobay ayaa ku tilmaantay dhibaatadan ka dhalatay duufaanta mid aad u ballaaran oo aan horey loo arag.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ku dhawaad 10 milyan oo ruux ay saameysay duufantan halka 660,000 kun oo ruux ay ku barakaceen.

Hay'aaddan caalamiga waxay sheegaysa in mudnaanta kowaad la siinayo sidii cunno iyo biyo loo gaarsiin lahaa dadka ka badbaaday duufaanta.

Waxaa kale oo shaqaalaha gurmadka laga filayaa inay aasaan meydadka dadkii ku dhintay duufantan oo la sheegayo in tobonaan kun ay gaarayaan.

Image caption Khariiddada duufaanta Filibiin

Qaramada Midoobay ayaa ku deeqday 25 milyan oo doolar oo ay tahay in si dedg deg ah wax loogu qabto.

Maraykanka ayaa xeebaha dalkaas u diray mid ka mid ah maraakiibtiisa dagaalka ee ay ku degi karaan diyaaradaha si ay ugu qeyb qaataan howlaha gargaarka.

Dowladaha kale ee caalamka ayaa iyaguna ka qeybqaadanayo dadaallada gurmad ee dalka Filibiin.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan