Khilaaf u dhexeeya madaxda Soomaaliya

Somali president
Image caption Madaxweynaha Soomaaliya, waxaa la sheegayaa in khilaaf uu soo kala dhexgalay isaga iyo Ra'iisalwasaare Saacid

Ra'iisalwasaaraha Soomaliya ayaa qiray in uu jiro khilaaf u dhexeeya isaga iyo madaxweyne Xasan Sheekh.

Cadi Faarax Shirdoon Saacid ayaa sheegay in mas'uuliyadda xallinta khilaafkan uu u yeello baarlamaanka Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in khilaafka uusan ahayn mid siyaasadeed ee uu yahay destuuri.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la sheegay in uu doonayo in Ra'iisalwasaare Cabdi Faarax Shirdoon uu is casilo.

Waxaa jiro warar lagu kalsoonaan karo oo BBC-du heshay oo mujinayo in la filayo in Ra'iisalwasaare Saacid la baddelo.

Wararka qaar ayaa sheegay in madaxweynaha uu ka codsaday Saacid inuu is casilo.

Saacid ayaa la sheegayaa inuu ku gacanseyray arrintaas.

Image caption Ra'iisalwasaare Saacid ayaa la sheegayaa inuu diiddan yahay in uu is casilo

Cali Khaliif Galayr, oo ah mudane ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, horeyna u soo qabtay xilka Ra'iisalwasaaraha ayaa sheegay in uu la kulmay Saacid oo u sheegay in uusan is casili doonin.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la sheegayaa inuu doonayo in uu magacaabo ra'iisalwasaare cusub, halka uu Saacid ku dhegan yahay in isagu uu soo magacaabo gole wasiirro oo cusub.

Maanta iyo shalay waxaa la sheegay in Muqdisho lagu qabtay kulamo gooni gooni ah oo ay qabanayeen xildhibaanno kala taageersan labada dhinac.