Muqdisho oo maalin dhan hilibka geela laga cunin

Camel
Image caption Hilibka geela Muqdisho lagama cunin Khamiista

Hilibka geela ayaan Khamiista laga cunin Muqdisho iyadoo kawaanlayda ay diideen inay bixiyaan canshuurta ay soo rogtay dowladda hoose.

Dowladda hoose ayaa magaalada ka hergalisay goob gooni ah oo lagu qalo xoolaha.

Tan iyo sidii ay u buruburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya sanadkii 1991, hilibka waxaa lagu qali jiray gudaha Muqdisho.

Dowladda hoose ayaa soo saartay amar ah in xoolaha lagu qalo kawaanka cusub, hase yeeshee ganacsatada ayaa ka biyo diidsan lacagta xoolaha lagu gawracayo oo ay sheegayaan inay qaali tahay.

Image caption Hilibka geela ayaa ka rakhiisan kuwa kale

Dowladda hoose ayaa doonayso in neefkii geel ah ee la qalaba, ay ka qaadato laba boqol oo kun oo shilin Soomaali ah, taasoo u dhiganta qiyaastii toban dollar.

Ganacsatada hiliblayaasha ah, ayaa ku doodayo in canshuur laga qaado marka ay xoolaha daabaxa soo iibsanayaan, oo aysan canshuur labada bixin karin.

Balse dowladda hoose ayaa sheegayso in ganacsatada ay doonayaan in ay xoolaha kusii qalaan gudaha magaalada.

Hilibka geela ee Muqdisho laga cuno ayaa ka raqiisan hilbka kale ee lo'da iyo ariga.