Mursi oo xabsiga farriin ka soo diray

Mursi
Image caption Mursi ayaa maxkamad la soo taagay 4-ta Nofembar

Madaxweynihii xukunka laga tuuray ee Masar ayaa ka digay in xaaladda dalka aanay dagi doonin haddii aan la ridin xukunka militeriga.

Farriin uu soo diray Maxamad Mursi oo ay soo jeediyeen qareennadiisa ku booqday xabsiga ayaa sheegay in afduub lagu haysto tan iyo markii militerigu xukunka ka tuuray.

Mursi ayaa sidoo kale ku gacanseyray maxkamadda dhagaysanayso dacwaddiisa.

Waxaa uu diiday in uu magacaabo qareen difaaco dacwaddiisa oo dib loo dhagaysan doono 8-da bisha Janaayo ee sanadka 2014-ka ee soo socda.

Mursi waxaa uu ka mid yahay kumanaan ka tirsan ururka Ikhwaanul Muslimiin oo lagu hayo xabsiyada dalka Masar.

Boqolaal ruux oo kale oo ka tirsan taageerayaasha Ikhwaanul Musliminka ayaa lagu dilay rabshadaha dalka ka socda tan iyo markii xukunka laga tuuray Maxamad Mursi.

Image caption Dibedbaxyo lagu taageersan yahay Mursi

Dhowr maalmood ka hor ayay dowladda Masar sheegtay in la qaadi doono xaaladda deg dega ah ee dalkaas.

Waxaa la filayaa in dowladda ay soo bandhigto sharci cusub oo la doonayo in lagu xakameeyo dibedbaxyada lagu taageersan yahay Maxamad Mursi.

Mursi ayaa la geeyay xabsi caadi ah kaddib afar bilood oo la qarinayay halka lagu hayo.

Farriintan uu soo diray ayuu Mursi ku sheegay in Cabdifataax Al-Sisis, oo ah taliyaha militeriga ee ku dhawaaqay "afgembiga", inuu galay khayaano qaran.

Waxaa uu sheegay in xaaladda Masar aanay caadi ku soo noqon doonin inta laga ridayo "afgembiga dalka ka dhacay".

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan