Kenya oo warqado aqoonsi la noqotay

Westgate
Image caption Weerarkii Westgate kaddib, Kenya waxay billawday tallaabooyin lagu sugayo ammaanka

Dawladda Kenya ayaa sheegtay in warqadaha aqoonsiga kala noqotay in ka badan 100 ruux oo ay sheegtay in ay yihiin ajnebi si khalad ku helay warqadahaas.

Kaddib weerarkii Westgate ee bishii September ayaa dawladdu waxay sheegtay in ay baraitaan ku sameyn doonto eedeymaha ah in dad aan u dhalan dalka ay haystaan aqoonsiga iyo dhalashada waddanka.

Wasiirka arrimaha gudaha Joseph Ole Lenku oo shir jaraa'id qabtay ayaa sheegay in dawalddu ay dib u eegis ku smaeysay aqoonsayadii la bixiyeey seddaxdii sanno ee la soo dhaafay.

Waxa uu sheegay in shaqsiyaadka lagu tuhunsan yahay in ay si sharci darro ah ku helaan aqoonsiga, maxkamd la soo taagi doono.

Waxa uu sidoo kale digniin u diray sahqaalaha waaxda socdaalka oo uu sheegay in shaqada laga tiri doono oona la maxkamdeyn doono haddii lagu helo in ay ku dhaqaaqaan falal musuqmaasuq ah.

Ole Lenku waxa uu sheegay in dawaladda ay si wadi doonto dib u eegista sida lagu bixiyo warqadaha aqoonsiga ee dalka.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan