Kerry: Cunaqabatayn yaan lagu soo rogin Iran

John Kerry
Image caption Joh Kerry ayaa ka soo horjeestay in cunaqabatayn dheeri ah la saaro Iraan

Wasiirka arrimaha dibedda ee Maraykanka ayaa ugu baaqey mudanayaasha Aqalka Sinet-ka in aanay cunaqabatan hor leh ku soo rogin dalka Iraan.

John Kerry ayaa shir albaabadu u xiran yihiin la qaatay guddi ka tirsan Senet-ka.

John Kerry ayaa sheegay in cunaqabatayn dheeri ah oo lagu soo rogo Iraan uu soo afjari karo wadahadallada looga hadlayo barnaamijka Nukliyarka Iraan.

Cunaqabatayntan dheeriga ah ayaa la filayay inay saamayn ku yeelato waaxda shidaalka ee Iraan.

Wareegga labaad ee wadahadallada u dhexeeya Iraan iyo quwadaha waaweyn ayaa la filayaa in uu dhaco 20-ka bishan Nofembar.

Wasiirka arrimaha dibedda ee Iraan ayaa horey u sheegay in dalkiisu diyaar u yahay is fahan.

Laakin waxaa uu ku adkaystay in Iraan aanay marnaba ka tanaasuli doonin barnaamijkeeda Nukliyarka.

Maraykanka iyo Iraan ayaa isu soo dhawaanayay tan iyo markii la soo doortay madaxweynaha cusub ee Iraan Xasan Ruuxaani.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan