Dadka badbaaday "way baahan yihiin"

  • 13 Nofembar 2013
Philippine
Dadka ka badbaaday duufaanta oo kor marayo burburka guryaha

Dadka ka badbaaday duufaantii ku dhufatay Filibiin ayaa la sheegayaa inay "aad ugu baahan yihiin" cunto iyo biyo.

Waxaa la sheegayaa in haatan ay dadku galayaan meel kasta oo cunto ay ka heli karaan.

Sideed ruux ayaa dhimatay iyadoo dadkii badbaaday qaarkood ay isku dayayeen inay cunto ka boobaan meel bakhaar ah.

Boqolaal ruux ayaa ku yaacay bakhaarkan ku yaalla meel dibedda ka ah magaalada Tacloban.

Dadka dhintay waxaa ku soo dumay derbiga bakhaarkaas kaddib markii ay jiireen boqolaal ruux oo doonayay inay helaan waxay cunaan.

Mudanaha Aqalka Kongres-ka ee laga soo doorto degaankaas ayaa sheegay in nidaam darrada ka jirto magaalada ay caqabad ku tahay dadaallada lagu doonayo in gargaar lagu gaarsiiyo dadka.

Philippine
Dadka badbaaday oo gargaar sugayo

Martin Romualdez ayaa sheegay in degaannada ku wareegsan magaalada Tacloban ay haatan noqdeen kuwa gebi ahaanba dhulka la siman.

Weli waxaan si cad loo xadidin khasaaraha ka dhashay duufaantan dhowr maalmood ka hor ku dhufatay Filibiin.

Madaxweynaha dalkaas, Benigno Aquino, ayaa sheegay in dowaladiisa ay weli isku dayayso in ay xadiddo tirada dadka ku dhintay duufaanta Haiyan.

Waxa uu sheegay in tirada hordhaca ahayd ee tobanka kun oo ruux ay tahay mid aad u sarayso.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan