Soomaali orod ku qabatay Harmacad

Cheetah
Image caption Wajeer waxaa la keenay Harmacad la soo qabtay

Afar ruux oo ka soo jeeda tuulada Tarbaj ee Wajeer ayaa orod ku soo qabtay Harmacad kaddib markii uu ka cunay ari ay iyagu lahaayeen.

Harmacadka ayaa ah xayawaanka ugu orodka badan dunida.

Noor Cismaan Xasan oo la hadlay laanta afka Soomaaliga ee BBC ayaa sheegay in Harmacadku dilay arigooda, "oo maalin kasta uu mid dili jiray".

Raggani waxay sheegeen inay sugeen inta laga gaarayay xilliga ay qoraxda ugu kulushahay si ay u soo qabtaan Harmacadkan.

Image caption Dadka Harmacadka soo qabtay ayaa dalbaday in magdhaw laga siiyo ariga laga dilay

Noor Cismaan iyo asxaabtiisa ayaa markii dambe soo qabtay Harmacadkan, oo ay ku soo wareejiyeen waaxda duurjoogta ee Kenya.

Xoolaha ayaa laf dhabar u ah dhaqaalaha dadka Soomaalida deggan woqooyi-bari Kenya.

Noor Xasan Cusmaan ayaa sheegay in Harmacadkan uu dilay 15 ka mid ah arigiisa.

Waxa uu sheegay in uu go'aansaday inuu soo qabto Harmacadkan kaddib markii "isagoo wax dilayo amin subax ah"

"Waan u sugay intay qorraxdu ka kululaatay, markaas ayaan billaabay inaan dhallinyaro raadsado si aan u soo qabto," ayuu yiri Noor Cismaan.

Waxaa uu sheegay in Harmacadkan ay fiijinayeen afar mile ama ku dhawaad toddobo kiloomitir.

Image caption Harmacadka waxaa lala keenay neef ari ah oo uu dilay
Image caption Ugu dambayntii Harmacadka waxaa lagu wareejiyaya waaxda duurjoogta ee Kenya