Maldives: Abdulla Yameen ayaa guulaystay

  • 16 Nofembar 2013
Image caption Doorashada ayaa muran badan uu ka jiray.

Abdulla Yameen ayaa ku guulaystay wareegii labaaad ee doorashada madaxweynenimada Maldives, sida ay sheegayaan natiijooyinkii ugu danbeeyay.

Mr Yameen ayaa helay 51.3% marka la barbardhigo 48.6% ee uu helay madaxweynihii hore Maxamed Nasheed, iyadoo la tiriyay boqolkiiba 98% codadka, sida gudiga doorashada uu sheegay.

Mr Yameen ayaa ku guulaystay 47% wareegii koowaad ee doorashada, taasoo ka yarayd 50% loo baahan yahay in lagu guulaysto.

Mr Yameen waxay walaalo yihiin Maumoon Abdul Gayoom, oo waddanka xukumaayay soddon sanno.