Shaqo joojin ka bilaabatay Libya

  • 17 Nofembar 2013
Mudaaharaadyada maleeshiyada hubaysan.

Jidadka magaalo madaxda Libiya ayaa cidla ah, kadib markii ay bilaabatay saddex maalmood oo shaqo joojin guud ah oo looga soo horjeedo maleeshiyooyinka.

Mudaaharaadyo ayaa la qabanqaabiyay, si loogu dhiiri galiyo maleeshiyada inay xabada dhigaan oo ay magaalada ka baxaan.

Shaqo joojinta ayaa lagu baaqay kadib markii in ka badan afartan qof ay dhimatay, boqolaal kalena ay ku dhaawacmeen laba maalmood oo ay socdeen iska horimaadyo u dhaxeeyay maleeshiyo iyo dad mudaaharaadayay oo doonaya inay maleeshiyada ka baxdoTRipoli.

Dowladda Libya ayaa sheegtay in xaalada ammaanka ay degan tahay iyo in kooxaha hubaysan aysan magaalada soo gelin.

Dowladda Libya ayaa la halgamaysa inay maleeshida hubka ka dhigto,kadib markii ay la dagaalameen madaxweynihii hore Mucamar Qadaafi.