Gabar Shiinaha u dhalatay oo doorasho u taagan Mali

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 18 Novermber, 2013, 16:19 GMT 19:19 SGA

Dalka Mali waxa ka jiro dagaallo sokeeye oo ka socda gobollada woqooyi.

Waxaa markii ugu horreysay qaaraddan Afrika iska soo sharaxday gabar u dhalatay Shiinaha.

Astan Coulibaly waxay u tartamaysaa kursi baarlamaan dalka woqooyiga Afrika ee mali.

Doorashadaas ayaa la qaban doonaa 24-ta bishan Nofembar.

Magaca gabadhan ee Shiinaha waa Yu Hongwei.

Magaalada Segou

Ninkeeda oo u dhashay dalka Mali ayay isku barteen magaalada Shangai ee dalka Shiinaha, iyadoo labaduba arday ka ahaayeen halkaas.

Astan Coulibaly waxa ay hadda ku nooshahay magaalada Segou, oo 200 oo Mayl waqooyi ka xigta magaalada Bamako, ee caasimadda Mali.

Waxay go'aansatay inay u tartanto kursi baarlamaan xisbigeeda Segou Gano, oo micnaheedu yahay waan jeclahay Segou.

Mali

Askarta Fransiiska ee qeybta ka ah ciidammada caalamiga ah ee ku sugan Mali

Astan waxay sheegtay in dadka ay wax u qaban jirtay iyadoo ka shaqeynaysay isbitaal oo ay ku lahayd dalkaas.

Haatan waxay sheegaysaa inay doonayso inay xubin ka noqoto baarlamaanka oo ay dadka wixii ay qaban jirtay wax ka weyn u qabato.

Ciidammo caalami ah ayaa ku sugan dalka Mali si ay u sugaan ammaanka kaddib dagaallo sokeeye oo halkaas ka dhacay sanadihii la soo dhaafay.

Xiriirrada macnaha ka dhexeeya

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.