Ajnebiga Qadar oo laga dayriyay

  • 18 Nofembar 2013
Qatar
Image caption Mid ka mid ah garoommada loogu talagalay koobka adduunka ee Qatar 2022

Hay'adda u doodda xuquuqda aadanaha ee Amnesty ayaa sheegtay in shaqaalaga ajnebiga ee Qadar " loola dhaqmo sida xayawaanka".

Hay'addan Amnesty International ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in shaqaalaha ajnebiga aan mararka qaar xitaa la siin wax mushaar ah.

Hay'addu waxay sheegtay in mid ka mid ah maammulayaasha uu u sheegay in shaqaalaha la joogo ay yihiin "sida xayawaanka".

Warbixintu waxay sheegaysaa in shaqaalaha aanay haysin meel ku haboon oo ay degaan.

Shaqooyinka ay qabtaan ayaa lagu sheegay inay tahay mid halis ku ah caafimaadkooda.

Waxaa kale oo ay hay'addu sheegtay in shaqaalaha mararka qaar aan wax mushaar ah la siin muddo bilooyin ah.

Dowladda Qadar ayaa dadaal ugu jirto sidii ay ku dhamaystiri lahayd dhismayaasha loogu talagalay koobka adduunka ee cayaaraha kubadda cagta ee sanadka 2022.

Image caption Qaar ka mid ah shaqaalaha ajnebiga ah ee ka shaqeeyo Qatar

Inta badan shaqaalaha ajnebiga ee warbixintan laga sameeyay ayaa la sheegayaa inay ka shaqeeyaan dhismayaasha kubadda cagta.

Dowladda Qadar ayaa sheegayso in dalkaas aan laga oggoleen in lagu xadgudbo shaqaalaha ajnebiga.

Waxaa dalka u yaalla ayay leeyihiin xeer ilaalinayo shaqaalaha ajnebiga ee dalkaas ku sugan.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan