Shabaab oo weerar ku qaaday Beledweyne

Somalia
Image caption Al Shabaab oo weerarartay xarun ay leeyihiin ciidammada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya

Ugu yaraan 20 ruux ayaa ku dhimatay weerar is qarxin ahaa oo lagu qaaday magaalada Beledweyne.

Weerarku waxaa lagu qaaday xarun ay deggan yihiin ciidammada Midowga Afrika iyo kuwa dowladda Soomaaliya.

Baabuur lagu soo rakibay waxyaabaha qarxa ayaa lagu dhuftay albaabka xarunta, kaddibna waxaa rasaas furay dabley hubaysnayd.

Ururka Al Shabaab ayaa sheegay in uu ka dambeeyay weerarkaas.

Bishii la soo dhaafay ayaa ururka waxaa uu weerar kan la mid ah ku qaaday maqaayad ku taalla isla magaalada Beledweyne.

Beledweyne ayaa ah magaalo istraatiiji ah oo 30km u jirto xadka Itoobiya ay la wadaagto Soomaaliya.

Image caption Ururka Al Shabaab ayaa sheegtay weerarka Beledweyne

Qof goobjooge ahaa oo la hadlay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in dadka halkaas ku dhintay ay u badnaayeen boliiska Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cambaareeyay weerarkan.

Waxa uu sheegay in weerarka uu yahay tallaabo khaldan oo aan waxba u tari doonin cidda fulisay.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan