Shirka Iraan iyo quwadaha adduunka

Iran
Image caption Xarunta Nukliyarka ee Iraan

Wadahadallada Iraan iyo quwadaha adduunka ayaa maanta mar kale dib u billaabanayo magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

Waxaa la filayaa in heshiis kumeel gaar ah laga gaaro wadahadalladan oo ah kuwii seddaxaad oo la qabto muddo toddobaadyo ah.

Shirkan waxaa looga hadlayaa barnaamijka Nukliyarka ee Iraan.

Waxaa muuqata in Maraykanka iyo Iraan labaduba ay muujinayaan niyad wanaag saacado ka hor shirka.

Madaxweyne Barack Obama ayaa waxa uu ku booriyay Aqalka Senator-ka Mareykanka inay dib u dhigaan cunaqabateyno dheeraad ah oo la soo jeediyay in la saaro Iiraan.

Obama ayaa sheegay in loo baahan yahay in fursad la siiyo wadahadallada u dhexeeya Iraan iyo quwadaha waaweyn.

Afhayeenka Aqalka Cadd ee Mareykanka ayaa sheegay in haddii heshiiska lixda bilood ee kumeel gaarka ah la isku raaci waayo, ay Iiraan sii wadi doonto kobcinta macdanta Yuraaniyamka ee laga sameeyo hubka Nukliyarka.

Image caption Wadahadalladii hore ayaa dhamaaday iyadoo aan la gaarin wax natiijo ah

Wasiirka arrimaha dibedda ee Iraan Maxamad Jawaad Dariif ayaa horey u sheegay in dalkiisu diyaar u yahay heshiis.

Hasa ahaatee, waxaa uu ku adkaystay in dalkiisu marnaba ka tanaasuli doonin xaqa uu u leeyahay in uu adeegsado tiknolojiyadda Nukliyarka.

Maraykanka iyo Iraan ayaa isu soo dhawaanayay tan iyo markii la soo doortay madaxweynaha cusub ee dalkaas, Xasan Ruuxaani.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan