Askar lagu dilay weerar ka dhacay Masar

Masar
Image caption Kolonyo baabuur ah oo ay leeyihiin militeriga Masar ayaa la weeraray

Ugu yaraan 10 askeri oo reer Masar ah ayaa ku dhintay weerar ka dhacay jasiiradda Sinai.

Dhowr askeri oo kale ayaa ku dhaawacantay weerarkan oo lagu qaaday militeriga dalka Masar.

Wargayska Al-Misri Al Yawn ee ka soo baxa magaalada Qaahira ayaa sheegay in kolonyo baabuur ah oo marayay jasiiraddaas lagu weeraray bambaano la dhigay waddada dhexdeeda.

Weerarrada lagu qaaday ciidanka nabadsugidda ee Sinai ayaa sii kordhay tan iyo markii xukunka laga tuuray Maxamad Mursi.

Weerarkan ugu dambeeyay ee ka dhacay waddada u dhexaysa magaalooyinka Rafax iyo Al-Cariish ayaa loo malaynayaa in uu yahay kii ugu darnaa tan iyo markii xukunka laga tuuray Maxamad Mursi.

Qaar ka mid ah ciidammada ee dhawacoodu halista yahay ayaa loo soo duuliyay magaalada Qaahira.

Sarkaal sare oo u hadlay militeriga Masar ayaa sheegay in laga yaabo in tirada dhimashada ay intaas ka badato.

Image caption Iskahorimaadyo dhexmaray taageerayaasha Mursi iyo ciidanka nabadsugidda.

Weerarkan ayaa imanayo iyadoo maalintii Talaadada dalkaas ay ka dhaceen iskahorimaadyo u dhexeeya taageerayaasha madaxweynihii xilka laga tuuray ee Maxamad Mursi iyo ciidammada ammaanka.

Militeriga iyo boliiska ayaa awood u adeegsaday inay kala diraan dibedbaxayaal doonayay inay ku muddaaharaadaan fagaaraha Taxriir.

Fagaarahan ayaa xudun u ahaa dibedbaxyadii xukunka looga tuuray madaxweynihii hore ee Masar Xusni Mubaarak.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan