Kenya oo lagu eedeeyay xadgudubyo

Boliis
Image caption Boliiska Kenya ayaa lagu eedeeyay xadgudubyo

Ciidanka la degaalanka argegixisada ee Kenya aya lagu eedeeyay inay gaystaan xadgudubyo ka dhan ah aadanaha oo ay ku jiraan dil sharci darro ah.

Warbixin ay soo saareen hay'adda u doodda xuquuqda Muslimiinta iyo hay'ad kale oo Maraykan ah ayaa waxay ku sheegeen in dadka ku jira xabsiyada ciidankaas jirdil loo gaysto.

Waxaa kale oo warbixintu sheegtay inay jiraan dad xabsiyada ku jiro oo sabab la'aan la xiray, qaar kalena la la'yahay halka ay ku dambeeyeen.

Dowladda Kenya arrintan kama jawaabin, laakin horey ayay mas'uuliyiinteeda u diideen eedeymo noocan ah.

Dowladaha Maraykanka iyo Britain ayaa taageero weyn siiyo ciidanka la degalaanka argegixisada Kenya.

Hay'adaha warbixintan soo saaray ayaa ugu baaqey labada dowladood inay joojiyaan taageerada ay siiyaan ciidankaas.

Weriyaha BBC-da ee arrimaha amniga ee Afrika ayaa sheegayo in arrintaas ay adagtahay maadaamma Kenya ay qeyb ka tahay dagaalka ka dhanka ah argegixisada.

Image caption Xaruuntii ganacsiga ee Westgate ee la weerary laba bilood ka hor

Weerarka lagu qaaday xarunta ganacsi ee Westgate bishii September aya la sheegayaa inuu astaan u yahay halista soo foodsaari karto Kenya.

Ururka Al Shabaab ayaa sheegtay weerarka Westgate.

Ugu yaraan 67 ruux ayaa ku dhimatay weerarkaas, hanti malaayiin doolar ahna way ku khasaartay.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan