Dad 30 sano adoonsi loo haystay London

Britain
Image caption Adoonsiga ayaa laga manuucay dunida

Dalkan Britain waxaa damiin lagu sii daayay lamaane loo haysto inay 30 sano adoonsi ku haysteen 3 haween ah koonfurta London.

Arrintan ayaa xigtay kaddib markii haweenkan laga soo badbaadiyay guri ku yaal koonfurta London halkaas oo ay u muuqato in si qasab ah loogu hayay.

Waxaa la sheegayaa in haweenkan muddada 30-ka sano ay ku sugnaayeen xaalad aad u xun.

Saddexdan haweenka ayaa ka soo kala jeeda dalalka Britain, Ireland iyo Malaysia.

Image caption Urur ka soo horjeeda adoonsiga ayaa ka qeyb qaatay sii daynta haweenkan

Urur ka soo hor jeeda adoonsiga oo ka qeyb qaatay sii daynta haweenkan ayaa sheegay in gabadha ugu yar ay haatan markii ugu horreysay dibedda u soo baxday.

Ururka ayaa sheegay in saddexda haweenka ah ay murug ka muuqato, laakin ay soo kabsanayaan.

Lamaanaha arrintan loo soo xiray ayaa la sheegayaa in aanay u dhalan dalka Britain.