Gabar "qori caaraddii lagu kufsaday"

  • 22 Nofembar 2013
Kufsi
Image caption Muddaaharaadyo looga soo horjeeda kufsiga oo Ka dhacay Kenya

Weriye ka shaqeeya idaacadda Shabeelle iyo maammulaha idaacadaas ayaa la xiray kaddib markii ay tebiyeen wararka gabar sheegtay in la kufsaday.

Gabadhan ayaa idaacadda u sheegtay in inta dhafoorka xabad laga saaray la kufsaday.

Gabadhan ayaa la sheegay in da'deedu tahay 19 sano jir.

Waxay sheegtay in labo weriye oo hubaysan ay kufsadeen "oo sharafteeda ay meel uga dhaceen"

Dawladda Soomaaliya waxay sheegtay in baaritaan socdo oo wax walba sharciga la waafajin doono

Qaramada Midoobay ayaa horey u codsatay in arrintan baaritaan deg deg ah lagu sameeyo.

Billawgii sanadkan ayaa sidan okale loo xiray gabar sheegtay in la kufsaday iyo welibo weriyihii warkeeda tebiyay.

Soomaaliya arrimaha la xiriiro kufsiga ayaa si qarsoodi loo xalliyaa, iyadoo ay naadir tahay in gabdhaha la kufsaday soo shaac bixiyaan dhibaatadooda.

Hay'adaha u dooda xuquuqda aadanahana waxay leeyihiin kuwa dhifka ah ee ka hadlo kufsiga waa la xiraa ama waa loo cagajugleeyaa halka wax loo qaban lahaa.

Warka gabadhan ayaa lagu daabacay bogga internet-ka ee idaacadda Shabeelle.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan