Masar oo eriday safiirka Turkey

Masar ayaa amartay safiirka Turki inuu ka baxo waddanka iyo in la dhimo xiriirka dimlomaasi ee labada waddan, iyadoo ka soo horjeeda taageerada Turki ee madaxweynihii xukunka laga qaaday ee Maxamed Morsi.

Wasaarada arrimaha dibadda, ayaa cambaaraysay baaqii ugu danbeeyay ee Raiisalwasaaraha Turki Recep Tayyip Erdogan uu ku baaqay in la sii daayo Mr Morsi.

Waxay sheegeen in hadalkiisa uu muujinayo ka soo horjeed waxa ay rabaan dadka reer Masar.

Wasaarada arrimaha dibadda ee Masar, ayaa sheegtay in Turki ay mar dhow qaadi doonto talaabo la mid ah tan Masar ay qaaday.