Banaanbaxyo ka dhacay Pakistan

Image caption Banaanbaxyada looga soo horjeedo diyaaradaha aan cidna wadin ee weerarka qaada.

Kumanaan qof ayaa ka mudaaharaaday Pakistaan weerarka diyaaradaha Maraykanka ee aan cidna wadin ee ay ku qaadaan waddanka. Dadka ayaa qatar galiyay inay gooyaan jidka ay maraan alaabada ciidamada Nato ee u socda Afgaanistaan.

Mudaaharaadka Peshawar, ayaa waxaa hogaaminaayay siyaasiga Imran Khan, oo ka digay inuu sii wadaayo mudaaharaadka ilaa ay joogsadaan weerarka diyaaradaha Maraykanka.

Bananaanbaxan ayaa yimid, laba maalin kadib markii gantaal ay soo riday diyarad Maraykan ah ee aan la wadin ay ku dishay gobolka beelaha shan qof, oo ay ku jiraan mintidiin laga shakisan yahay.