Heshiiska Maraykanka iyo Afganistaan

Image caption Shirka odayaasha reer Afganistaan ee Loya Jirga.

Shir ay lahaayeen in kabadan laba kun oo odayaal dhaqameedyo reer Afganistaan, ayaa lagu ogolaaday heshiis ammaanka ee lala saxiixanayo Maraykanka, waxayna ugu baaqeen Madaxweyne Hamid Karzai inuu saxiixo dhamaadka sanadkan.

Heshiiska ayaa u ogolaan doona ciidamada Maraykanka, oo u badan tababarayaal inay sii joogaan Afganistaan, markay ciidamada dagaalka ay ka baxaan waddanka dhamaadka sanadka danbe.

Madaxweyne Karzai, ayaa doonaya inuu dib u dhigo saxiixa heshiiska ilaa laga qabto doorashada madaxweynenimada bisha April sanadka danbe. Maraykanka ayaa doonaya in heshiiska la saxiixo si dhaqso ah si ay u bilaabaan qorshaha ciidamada joogaya Afganistaan 2014ka ka dib.