Doorasho baarlamaan oo ka socota Mali

Image caption Doorashooyinka Mali.

Doorashooyin baarlamaan ayaa ka socda Mali, qayb kale oo dimoqraadiyada lagu soo celinaayo kadib markii ciidamada Faransiiska ay waddanka ka saareen islaamiytiinta oo sanadkii hore qabsaday waddanka intiisa badan.

Wariyaha BBC ee magaalo madaxda Bamako ayaa sheegay in dad yar ay codaynayaan, markii la barbar dhigo doorashadii madaxweynenimada ee dhacday Augst.

Waxay sheegtay in dadka reer Mali ay kalsooni yar ku qabaan baarlamaankooda, kadib sanado badan oo aysan waxba qaban.

Waxaa la adkeeyay ammaanka meelaha ay codaynta ka socdaan, iyadoo mucaaradka ay wali ku xoog badan yihiin meelaha qaar.

Faransiiska ayaa waxaa ka jooga in kabadan saddex kun oo ciidan Mali. Qaramada Midoobay ayaa waxaa u jooga Mali lix kun oo ciidan.