Isra'iil oo ku gacanseyrtay heshiiska Iraan

Iraan
Image caption Wadahadallada Iraan iyo quwadaha dunida ayaa is afgarad ku dhamaaday

Isra'iil ayaa ku gacanseyrtay heshiiska dhexmaray Iraan iyo quwadaha adduunka iyadoo Maraykanku soo dhaweeyay.

Ra'iisalwasaaraha Isra'iil Banjamin Netanyahu ayaa heshiiskan ku tilmaantay inuu yahay "khalad taariikhi ah" ah oo dunidu gashay.

Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa sheegay in Isra'iil uu kala tashan doono barnaamijka Nukliyarka ee Iraan.

Xoghaya arrimaha dibedda ee Maraykanka John Kerry waxaa uu isaguna sheegay in heshiiska uu bariga dhexe ka dhigi doono goob nabdoon.

Iraan ayaa saxiixday heshiis xaddidayo howlaheeda Nukliyarka oo iyaduna looga qaadayo qeyb ka mid ah cunaqabataynta saaran.

Heshiiska ayaa Iraan u oggolaanayo inay iibiso shidaal qiimahiisu dhan yahay 7 bilyan oo doolar.

Madaxweynaha Iraan ayaa sheegay in heshisku oggolaaday xaqa ay Iraan u leedahay inay samaysato barnaamij Nukliyar ah.

Xoghayaha arrimaha dibedda ee Maraykanka John Kerry ayaa beeniyay arrintaas.

Iraan ayaa oggolaatay in kbcinta macdanta Yuraaniyamka ee laga sameeyo Nukliyarka aanay dhaafin boqolkiiba shan.

Image caption Ra'iisalwasaaraha Isra'iil ayaa heshiiska ku tilmaamay "khlad taariikhi ah"

Hay'adda Hubka Atoomiggada ee Dunida IAEA ayaa kormeer ku samayn doonto xarumaha Nukliyarka ee Iraan.

Isra'iil iyo beesha caalamka ayaa shaki ka qabo in Iraan ay doonayso inay samaysato hubka Nukliyarka.

Iraan ayaa arrintan beenisay, waxayna sheegtay in barnaamijkeedu yahay mid looga talagalay in lagu dhaliyo awoodda korontada.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan