Weriye loo xiray warka gabar la kufsaday

Kufsi
Image caption Dumar ka soo horjeeda kufsiga dalka Kenya

Maxkamad ku taalla Muqdisho ayaa amartay in la xiro weriye iyo maammulaha idaacadda Shabeelle oo loo haysto inay fidiyeen warka gabar sheegtay in la kufsaday.

Agaasimaha Shabeelle Cabdimalik Yusuf Maxamuud iyo weriye Maxamad Bashir Xaanshi ayaa lagu soo oogay inay war been ah ku qoreen bogga Internte-ka ee Shabeelle.

Gabadhan ayaa weriyuhu u sheegtay in inta dhafoorka xabad laga saaray la kufsaday.

Gabadhan ayaa la sheegay in da'deedu tahay 19 sano jir.

Waxay sheegtay in labo weriye oo hubaysan ay kufsadeen "oo sharafteeda ay meel uga dhaceen"

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in baaritaan socdo oo wax walba sharciga la waafajin doono

Qaramada Midoobay ayaa horey u codsatay in arrintan baaritaan deg deg ah lagu sameeyo.

Billawgii sanadkan ayaa sidan okale loo xiray gabar sheegtay in la kufsaday iyo welibo weriyihii warkeeda tebiyay.

Soomaaliya arrimaha la xiriiro kufsiga ayaa si qarsoodi loo xalliyaa, iyadoo ay naadir tahay in gabdhaha la kufsaday soo shaac bixiyaan dhibaatadooda.

Hay'adaha u dooda xuquuqda aadanahana waxay leeyihiin kuwa dhifka ah ee ka hadlo kufsiga waa la xiraa ama waa loo cagajugleeyaa halka wax loo qaban lahaa.

Warka gabadhan ayaa lagu daabacay bogga internet-ka ee idaacadda Shabeelle.