Masar oo afti destuur laga qaban doono

Masar
Image caption Ra''iisalwasaaraha Masar ayaa ku dhawaaqay afti la qaban doono bisha January

Dalka Masar waxaa la filayaa in laga qabto afti loo qaadayo destuur cusub oo ay soo bandhigayso dowladda kumeel gaarka ah.

Ra'iisalwasaaraha Masar Xaazim Beblaawi ayaa sheegay in aftida la qaban doono dabayaaqada bisha koobaad ee sanadka soo socda ee 2014-ka.

Aftidan ayaa ah tallaabo muhiim u ah hanaanka kumeel gaarka ah ee militerigu dejiyay kaddib markii ay xukunka ka tuureen Maxamad Mursi, oo ah madaxweynihii ugu horrey ee si dimuqraadi ah loo soo doorto dalka Masar.

Destuurkan waxaa soo hindisay guddi 50 ruux ka kooban oo la dhisay kaddib markii la riday Mursi.

Waxaa la filayaa in doorashooyin baarlamaan iyo kuwa madaxweyne ay xigi doonaan aftidan.

Image caption Taageerayaasha Mursi ayaa waday dibedbaxyo ballaaran tan iyo markii la riday

Ra'iisalwasaare Xaazim Beblaawi ayaa aftida destuurka ku tilmaamy "xilli muhimad weyn u leh Masar".

Taageerayaasha madaxweynihii xilka laga qaaday ee Mursi ayaa dhigayay dibedbaxyo tan iyo bishii toddobaad ee Julay, xilligaas oo talada la wareegtay dowladda uu taageero militeriga.

Waxay ka horimaadsan yihiin dowladda haatan jirto waxaana la filayaa inay ka horimaan doonaan destuurkan aftida loo qaadi doono.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan