Lacagta oo "badbaadiso" gabdhaha

Gabdho
Image caption Gabdho Iskuull dhigto oo Soomaali ah, lacagaha gabdhaha la siiyo ayaa la sheegayaa inay ka badbaadiyaan ragga

Diraasad la sameeyay ayaa muujinayso in gabdhaha yaryarka ee lacago ku filan la siiyo ay ka badbaadaan ragga ka weyn ee doonaya inay gacanta ku dhigaan.

Warbixin ay soo saartay Jaamacadda Oksfod ee dalka Britain ayaa sheegtay in la ogaaday in qoysaska la siiyo lacago lagu taageero carrurta ee dalka Koonfur Afrika aanay gabdhahooda halis ugu jirin inay u jilicsanaadaan ragga da'da weyn.

Dalka Konfur Afrika waxaa ku badan cudurka Aydhiska oo la sheegayaa in uu ku badanayo gabdhaha yaryarka.

Waxaa la sheegayaa in ragga da'da weyn ay bartilmaameedadaan gabdhaha Iskuulka dhigto iyagoo siinayo waxyaabaha ay u baahan yihiin.

Warbixinta ayaa sheegayso in gabdhaha yaryar ee aan haysan lacago ay kuu iibsadaan waxa ay u baahan yihiin ay halis weyn ugu jiraan inay gacanta ku dhigaan ragga ka da'da weyn.

Dalka Koonfur Afrika ayaa ka mid ah dalalka uu sida weyn ugu fiday cudurka Aydhiska.

Khubarada dalkaas ayaa sheegayo in heerka cudurka ee gabdhaha Iskuulka dhigto uu sii kordhay sanadihii ugu dambeeyay.

Dowladda ayaa 11 milyan oo carruur ah siiso lacago ay ku iibsadaan waxyaabaha aasaasiga ah.

Cannugiiba waxaa la siiyaa lacag gaaraysa 30 doolar bil kasta.