Karzay oo cambaareeyay Maraykanka

  • 29 Nofembar 2013
Karzay
Image caption Xiriirka Maraykanka iyo madaxweynaha Afghanistaan ayaa sii xumaanayo

Madaxweynaha Afghanistan, Xaamid Karzay, ayaa cambaareeyay duqeyn uu sheegay in ciidammada Maraykanka u gaysteen guri ku yaalla gobolka Helmand.

Waxaa uu sheegay in ciidamada Maraykanka ay weerarkaas ku dileen cunug yar, halka laba haween ah ay ku dhaawacmeen.

Afhayeen u hadlay madaxweynaha ayaa sheegay in ay tahay calaamad dheeri ah oo muujinayso sida noolasha rayidka aan looga fakarayn.

Weerarkan ayaa ku soo beegmayo iyadoo Karzay iyo Maraykanka isku mari la'yihiin heshiis la xiriiira sii joogitaanka ciidammada Maraykanka.

Madaxweynaha Afghanistan ayaa diiddan inuu saxiixo heshiiskan sanadka cusub ka hor.

Maraykanka aya ku adkaysanayo inay muhiim tahay in heshiiskaas si deg deg ah lagu saxiixo.

Dalka Afghanistan waxaa laga qaban doonaa doorashooyin billawga sanadka soo socda.

Guddiga odayaasha ee dalkaas ee loo yeqaanno Loya Jirga ayaa ugu baaqey madaxweynuhu inuu saxiixo heshiiskan.

Image caption Guddiga odayaasha ee Afghanistan Loya Jirga

Baarlamaanka dalkaas aya isaguna horey u ansixiyay heshiiska.

Ciidammada NATO ayaa lagu wadaa inay dalkaas ka baxaan sanadka 2014-ka.

Maraykanku waxaa uu doonayaa in ciidammadiisa ay sii joogaan wixi ka dambeeya 2014-ka.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan