Dhismaha waddo tareen ah oo laga billaabay Kenya

Kenya
Image caption Madaxweynaha Kenya ayaa ku dhawaaqday mashruuc tareen oo isku xiri doono bariga Afrika

Kenya ayaa dhagax dhigtay dhismaha waddo tareen oo casri ah oo la filayo in ay wax weyn ka beddesho isu socodka waddamada Bariga Afrika.

Madaxweynayaasha dalalka Bariga Afrika ayaa magaalada Mombasa uga qeyb galay xafladda looga dhawaaqayay dhismaha waddada tareenkan.

Waxaa la filayaa in safarradii qaadanayay 15-ka saacadood ay qaadan doonto muddo 4 sacadood ah marka la soo gabagabeeyo tareenkan.

Mashruucaan waxaa ku baxayso lacag gaareyso 2.6 bilyan oo doolarka Maraykanka.

Waxaana la filaayaa in Kenya uu ku xiro waddamada Ugaandha iyo Ruwaandha iyo welibo Koonfurta Suudaan.

Wejiga koobaad ee mashruucan ayaa isku xiri doono waddada u dhexaysa Nairobi iyo Mombasa.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan