Dumar xarig lagu xukumay dalka Masar

Masar
Image caption Koox dumar ah ayaa dalka Masar lagu xukumay 11 sano oo xarig ah

Kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha ee Masar ayaa cambaareeyay xukun ay maxkamad ku taalla Masar ku riday koox dumar ah oo dibedbaxayay.

Kooxdan ayaa la sheegayaa inay ka qeybqaadanayeen muddaaharaadyo lagu taageersanaa madaxweynihii xilka laga qaaday ee Masar, Maxamad Mursi.

Dumarkan oo ay ku jireen gabdho yaryar ah, ayaa waxay ku dibedbaxayeen magaalada Aleksandhriya muddo bil ah ka hor.

Maxkamadda ayaa sheegtay inay ku heshay dambi ah inay hantida guud kharibayeen.

Dumarka ayaa ku doodayo in dibedbaxyadooda ay ahaayeen kuwa u dhacayay si nabadgelyo ah.

Weriye BBC-da ka tirsan oo ku sugan magaalada Qaahira ayaa sheegay in tallaabadan loo arko inay astaan u tahay kelitalinimada dowladda cusub ee militerigu taageero.

Hay'adaha u dooda xuquuqda aadanaha qaarkood ayaa arrintan ku tilmaamay "mid waalli ah"

Image caption Dibedbaxyo ayaa Masar ka socday tan iyo markii xukunka laga tuuray Mursi

Qoys reer Masar ah oo BBC-da la hadashay ayaa sheegay in gabadhooda oo 15 jir ah ay ku jirto dadka la xiray.

Waxay sheegayaan inay maraysay meel u dhaw halka ay ka socdeen dibedbaxyada marka la xirayay.

Taageerayaasha Mursi ayaa dibedbaxyo dhigayay tan iyo bishii Julay, xilligaas oo militerigu xukunka kala wareegay

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan