Dab ka kacay bartamaha Muqdisho

  • 28 Nofembar 2013
Muqdisho
Image caption Dab weyn ayaa ka kacay Muqdisho

Magaalada Muqdisho waxaa ka kacay dab weyn isgoyska Kiloomitir Afar ee bartamaha magaalada.

Dabka ayaa la sheegayaa in uu burburiyay goobo badan oo ganacsi oo ku yaallay isgoyskaasi.

Weriyaha BBC-da ee Muqdisho ayaa sheegay in dabka uu saamayn weyn ku yeeshay ganacsiga.

Shaqaalaha dabdemiska ayay ugu dambayntii u suurageshay inay demiyeen dabka oo u muuqday inuu qabsaday dhul baaxad weyn.

Waxaa kale oo dabka saamayn ku yeeshay isu socodka gaadiidka isgoyska Kiloomitir Afar iyo agagaarkiisa.

Boliiska ayaa sheegay inaan ilaa haatan la ogaan karin khasaaraha ka dhashay dabkaas.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan