Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dagaal ka dhacay Taleex

Waxaa maalmahan colaadi ka taagneyd deegaanka Taleex, halkaas oo la sheegay in ugu yaraan siddeed qof ay ku dhimatay dagaal dhexmaray dhinacyo lagu tilmaamay maleeshooyin kala taageersan Khaatumo iyo Puntland.

Haddaba, waxaan la xiriirnay dhinacyada colaaddan ku lugta leh.

Dhinaca Khaatumo waxaan la hadlay Maxamed Maxamuud Gaaxnuug, oo jooga meel ka baxsan magaalada Taleex. Waxaana aan weydiiyay dhibaatada halkaas ka dhcday.